Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dowladda iyo Isbaheysiga oo Heshiis Kalasaxiixday
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 19 2008
Dowladda iyo Isbaheysiga oo Heshiis Kalasaxiixday
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 19 August 2008

Jabuuti,(insidesomalia.org)-Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga ayaa guddiyo ay iska soo dhex doorteen Ergadii ka kala socday labada dhinac oo labadii maalmood ee la soo dhaafay shir ugu socday Magaalada Jabuuti ayaa shalay gelinkii dambe waxay wada saxiixdeen qodobo ka mid ah heshiiskii ay labada dhinac horay u gaareen iyo sidii loo dardar gelin lahaa qodobo ay isla gaareen shalay, waxaana Dowladda u saxiixay heshiiska Axmed Cabdisalaan Wasiirka Warfaafinta iyo Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur, iyadoo Guddiyada farsamo ee labada dhinacna ay u kala saxiixeen Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Cumar Xaashi Aadan.

 

Guddiyadan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan waxyaabihii ku qornaa heshiiskii ay Dowladda  iyo Isbaheysiga Mucaaradka horay ugu gaareen Dalka Jabuuti, sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka, iyagoo ka howlgeli doona dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa, waxaana ay si wada jir ah isaga kaashanayaan mira dhalinta qodobada heshiiska.

 

Waxaa ka mid ah qodobada ay labada dhinac ku wada heshiiyeen in la sii wado wada hadallada ay labada dhinac gaareen, isla markaana laga hor-tago wax kasta oo wiiqi kara heshiiska.

 

In la soo dhaweeyo dadaallada nabadeed ee xal doonka ah ee ay wadaan Beesha Caalamka iyo weliba muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

 

In la cambaareeyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka iyo Kooxaha Burcad Badeedka ah.

 

In ay dhinacyada heshiiska gaaray ay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladaha bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya, beesha caalamkana ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

 

In Qaramada Midoobay ay dedejiso Ciidamada Nabad-ilaalinta ah ee ay u soo direyso Soomaaliya, si Ciidamada Itoobiya uga baxaan Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeedna ugu laab-qaboojiyay in ay ka dhabeynayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen Nabad, Xasilooni, Midnimo, Madax-bannaani iyo sharaf.

 

Goobta lagu saxiixday heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmadou Ould Abdallah, Safiiradda Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, Midowga Africa iyo wakiio kale oo ka socday beesha caalamka.

 

Dowladda KMG iyo Mcaaradka ayaa mahad celin balaaran u jeediyeen Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti oo ay ku tilmaameen dad walaalo ah oo ka dhiidhiyey dhibaatada heysata walaalahooda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay u mahad celiyeen Ahmadou Ould Abdallah iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee u istaagay in shirkan uu mira dhalo.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >